5 naag oo jooga xaflada ayaa ku labistay dhar la farsameeyay

Ururka Shabakada Finnishka iyo Soomaalida ee Finland

Ururka Shabakada Finnishka iyo Soomaalida ee Finland waa dallad aan ku salaysneyn aydiyoolajiyad, siiyaasad ama diin oo ka howlgasha Soomaaliya iyo Geeska Afrika una ah lafdhabarta ururada ku howlan ama qorsheynaya mashaariicda horumarinta iyo samafalka. Shabakada waxaa la aasaasay sanadkii 2004 lana diwaangeliyey 2009.

Ururka Shabakada Finnishka iyo Soomaalida ee Finland waa hey´ad aqooneed u sameysa adeeg ururada xubnaha ka ah sida, in ay isweydaarsadaan khibradahooda, tababaro iyo latalin.

Waxaa kaloo howlaheeda ka mida ah wargelinta waxyaabaha la xariira hawlgalgeeda, seminaaro, talobixin iyo daabicidda qoraallo cilmiyeed. Shabakada waxay soo saartaa Wargeys elektroonik ah oo saddex luqadle ah – Geeska Afrika – looguna talagalay guud ahaan bulshaweynta.

Shabakada waxay la fulisaa ururada xubnaha ka ah mashaariic horumarineed ee kala duwan oo ku wajahan dhammaan gobolada Soomaaliya iyo Geeska Afrika. Ujeeddadu Shabakada sidaa oo kale waxaa weeyaan in ay u fududeyso dhammaan ururada waxqabadkooda si ay u gaarsiiyaan nabad iyo horumar Soomaaliya iyo Geeska Afrika.

Ururka Shabakada Finnishka iyo Soomaalida ee Finland xubin ka noqoshadeeda waa mid u furan ururada iyo shaqsiyaadka doonaya horumarinta ujeeddada Shabakada. Kala soo xiriir Shabakada! Xubin kasoo noqo!

Rag iyo dumar ku jira sawir kooxeed

 

+358 50 321 1619

Lintulahdenkatu 10, 5. krs
00500 Helsinki, Finland

 @somaliaverkosto

 @somaliaverkosto

 @somaliaverkosto