Iskaashiga Horumarinta

 Marka lagu daro ururada xubnaha ka ah, Shabakadda Soomaaliada Finland (Finnish Somalia Network) waxay fuliyaan mashaariic horumarineed oo kala duwan oo laga fuliyo dhammaan gobolada Soomaliya iyo Geeska Afrika.

>> Iskaashiga Horumarinta

>> Masgruuca Sahansaho

>> Masgruuca Ramaad

Marka lagu daro ururada xubnaha ka ah, Shabakadda Soomaalidada Finland (Finnish Somalia Network) waxay fuliyaan mashaariic horumarineed oo kala duwan oo laga fuliyo dhammaan gobalada Soomaaliya iyo Geeska Afrika.

Hadafka Shabakaddu waxaa kale oo uu awoodda saarayaa sidii loo fududayn lahaa howlaha shaqo ee ay wadaan bulshada rayidka sida ka shaqaynta nabadda iyo mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya iyo Geeska Afrika.

Ujeedada muddada dheer ee labada Mashruuc waa in la joojiyo xaalufka dhulka ee Deegaanada mashruucu ka socdoa. Labada mashruucba waxaa howsha wada fuliya Min 3 urur oo ka howlgala Finland, iyo min Sadex Urur oo ka howlgala deegaanka.

Mashaariicdan waxaa maal geliyay  wasaaradda arrimaha dibadda ee Finland, halka Somalia Network iyo Ururada Xubnaha ka ah ee ay Mashruuca wada Fulinayaan ay ka mas’uul yihiin Maamullidda mashruuca iyo bixinta 15%  Mashruuca ku baxaysa oo ay soo uruurinyaan Ururada Mashruuca la fulinaya Somalia Network.