Muuqaalka Hargeysa

 

 

Shaqo abuur in loo sameeyo dhalinyarada: Waxbarashada gacanta oo tayo leh iyo in la horumariyo ganacsiga yar yar

Rajo waxey la macno tahay rajo abuur. Dhalinyarada Geeska Afrika aafooyinka haysta waxaa kamid ah shaqo la’aan badan, fursad ay uhelaan waxbarasho gacanta iyo waxbarasho ganacsiga yar yar wuxuu u abuuraayaa mustaqbal iftiin leh

 

Dhalinyarada ayuu ku tiirsan yahay mustaqbalka Geeska Afrika, maadaama ay bulshada boqolkiiba 75 % ay yihiin dhalinyaro ka yar da’da 30 jir. Dhanka kale shaqo la’aanta dhalinyarada ayaa ah tiro aad u badan, 2/3 meelood waa dhaqo la’aan, taasoo ka dhigeysa meelaha dunida ugu sareysa shaqo la’aanta dhalinyarada. Inkastoo dhalinyarada ay yihiin tirada bulshada kuwa ugu badan, hadana shaqo la’aanta badan ayaa doorkooda bulshada iyo saameyntooda siyaasada iyo ka qeybgalka bulshada ka dhigtay mid aad u hooseysa.

Waxsoo saarkii hore ee beeraleyda iyo reer guuraaga oo yaraaday isbedelada cimilada awgood iyo fursadaha waxbarasho la’aanta iyo shaqo la’aanta ayaa dhalinyarada miyiga iyo deegaamada fog ku riixaaya inay magaalooyinka usoo guuraan. Magaalooyinka oo qudhooda la ciirciiray dhalinyara badan oo waxbaratay oo shaqo la’aan haysa, taasoo sababeysa inay dhalinyaro badan ka haraan bulshada oo ay u nuglaadaan kooxaha xagjirka.

Xirfadaha loo baahan yahay suuqa shaqada

Hiigsiga mashruucan ayaa ah in dhalinyarada shaqo la’aanta iyo waxbarasho la’aanta ah loo abuuro fursado ay xirfado ku bartaan. Mashruucaan oo heerka sahminta kujira xirfadaha lagu bilaabayo waxaa kamid ah korontada, farsamada gacanta, dawaarka iyo qurxinta haweenka. Xirfadahaan ayaa loo arkay loogu baahi badan yahay deegaanada mashruuca laga fulinayo, islamarkaasna shaqo abuur fiican uhorseedi karta dhalinyarada ka faa’ideysata mashruucan. Barashada xirfadaha ayaa waxaa barbar socda in dhalinyarada la baro aas aaska iyo furashada ganacsiga gaarka ah, si ay mustaqbalka u furtaan shirkada yar yar oo ay naftooda ku maareeyaan.

Mashruuca waxaa mudnaan la siinaayaa gabdaha oo loogu talo galay in ardayda ka faa’ideysaneysa barashada xirfadaha ay boqolkiiba 50% noqdoon gabdho, maadaama gabdhaha ay ka nugul yihiin wiilasha oo ay ka fursad yar yihiin dhinaca shaqada iyo waxbarashada. Sidoo kale dadka ugu nugul qeybaha bulshada sida dadka la takooro, la heyb sooco, barakacayaasha iyo dadka curyaamiinta waxaa lagu dhiirigalinaya inay iyaga door ku yeeshaan ardayda. Waxaa mashruuca qeyb ka ah in ururada deegaamada ay wacyigelin usameeyaan sidii loo xaqdhawri lahaa qeybaha kala duwan ee bulshada. Sidii xaquuqda iyo sinaanta bulshada loo horumarin lahaa goobaha waxbarashada iyo goobaha shaqada.

Waxbarasha tayo leh waxey sare ugu qaadeysa qiimeynta waxbarashada gacanta

Asbaabaha keenay shaqo la’aanta dhalinyarada waxaa kamid ah inay baahida suuqa shaqada iyo aqoonta looga baahan yahay shaqaalaha aad u kala duwan yihiin. Waxbarashada gacanta (Technical and vocational education and training TVET) waxaa bixiya oo kaliya iskuulo shaqsiyaad leeyihiin (Private Schools) iyo xarumo kooban, laakiin iskuuladaan ma bixiyaan waxbarasho joogta ah, mana haystaan macalimiin, agab, dhaqaale ay ku maareeyaan iskuulada, waa iskuulo mashaariic waqtiyo kooban socda ku shaqeeya.

Waxbarashada gacanta bulshada uma qiimeyso sida loo qiimeeyo waxbarasha sare iyo jaamacadaha. Hadii tayada waxbarashada gacanta la tayeeyo oo la horumariyo, dadkana lagu wacyigeliyo faa’idada ay leedahay waxbarashada gacanta iyo baahida bulshada uqabto, waxaa suuragal ah in fikirka bulshada wax laga bedelo. Wadashaqeynta aan la sameyneyno jaamacada Häme University of Applied Sciences HAMK waxaan ku tababareynaa macalimiinta waxbarashada gacanta, si xirfadooda macalinimo loo sare qaado oo la baro qaabab kale duwan ay waxbarashada u tayeyn karaan iyo sidey uqiimeyn karaan ardayda iyo qorshayaasha waxbarasho. Sidii ardayda tababaro loogu sameyn lahaa goobaha shaqo ee xirfadaha ay baranayaan.

Mashruuca wuxuu xoojinaaya iskuulada waxbarashada gacanta deegaamada koorsooyinka iyo tababarada ay bixiyaan. Qorshaha fog ee mashruuca ayaa ah in la horumariyo oo la tayeeyo waxbarashada gacanta deegaanada Somaliland iyo Puntland. Si loo gaaro qorshahaas ururada mashruuca ee deegaanada ka shaqeynaaya waa inay wada shaqeyn dhaw la sameeyaan hayadaha iyo maamulada deegaanka. Hayadaha iyo maamulada deegaanka wadashaqeyntooda waxey fursad siineysa in iskuulada ay mustaqbalka mashaariic ka helaan maamulada iyo hayadaha ka shaqeeya deegaanka.

Maxaa la baranaayaa?

Dhalinyarada oo la bari doono waxbarashada farsamada gacanta iyo ganacsiga. Horumarinta iyo tayeynta waxbarashada gacanta iyo kor uqaadista qiimaha waxbarashada gacanta.

Goobahee laga fulinaayaa?

Hargeisa, Buuhoodle iyo Qardho

Goormee?

Mashruuca wuxuu bilawday sanadkan 2021, wuxuu sooconaya 2 sano wajigiisa hore

Yaa loogu talagalay?

Ugu horeyn dhalinyarada udhaxeysa 15-25 jir oo shaqo iyo waxbarasho haysan. Horumarinta waxbarashada gacanta waxaa ka faa’ideysanaaya iskuulada farsamada deegaanka, shirkadaha iyo bulshada deegaanka oo dhan.

Yaa isla fulinaaya?

Ururka Shabakada Finnishka iyo Soomaalida ee Finland (Finnish Somalia Network) ayaa maamulaaya mashruuca, waxaa kala qeyb qaadanaaya 3 urur oo Finlandeys ah: Bado, Iftin-seura iyo Sool, Sanaag and Hawd Development Association (SSHDA).

Ururada deegaanka ee wadashaqeynta qeybta ka ah waxay kala yihiin: Knowledge-Action Center (KAC), Somali Social Forum (SSF) iyo Nomadic Development Association (NDO).

Waxaa kaloo fulinta mashruuca horumarinta waxbarashada gacanta qeyb ka ah Häme University of Applied Sciences HAMK.